Chatham House maxey qabataa?

Weligeey Aniga oo aan London tagin, ayaan Tagay Maalintii Seddexaad ayaa Annigoo London ey is Soo qashiinsatay oo aan Ku Soo daalay Afduleelis, ayaan Ku Soo noqday Hotelkii aan degenaa.

Ninkii Receiption-ka joogay ayaa igu yiri: Labadaa Nin ee Salootada fadhido ayaa Ku sugayo, waa Laba Nin oo Cadaan ah weligeeyna ma arag.

Waan u tagay, Dhoola cadeeyn iyo Qosol qalalan ayeey igu Soo dhaweeyeen, waan shakiyay Ma Police-saa? Maxaad haleysay? Yaa siiyay Cinwaanka? Yaa Magacaaga u sheegay?

Waxa ey igu yiraahdeen Chatham House oo ah Machad weyn oo Caalamiya ayaan Ka soconaa, iyaga oo Ka dhigayo in ey Ka socdaan Goobta ugu Cilmi sareeyso Aduunka. Waxaan si is moogeysiis ah u iri: Chatham House maxaa la dhahaa?.

Si la yaab leh ayeey ii fiiriyeen, waxa eyna bilaabeen in ey ii sharaxaan “Chatham House Royal Institute of International Affairs”. Waxa ey wateen Laba Note Book iyo Laba Qalin oo kaliya. Waxa ey igu yiraahdeen Hal saac oo xiriir ah su’aalo soconayo ayaan Ku weeydiineynaa. Mana Nihin heyad Dowladeed, lamana shaqeeyno Urur Siyaasadeed.

Aqristoow in kabadan 30 Su’aalood ayeey i weydiiyeen, kulina waxa ey ahaayeen Su’aalo Siyaasadeed.
Maxaad Ka rabtaahee, ma Nin Mowlaca Xertii Shiikh Cali Maye AUN, wax Ku soo bartay ayaa la gaadi karaa.

Illa hadda waxa ey E-mailka iigu Soo diraan wax qabadkooda iyo Cilmi baaris ey sameeysay Chatham House, marmarna martiqaad in aan Ka Soo qeyb galo Shir, iyaga oo leh Adigu isa Soo deber, kharajkana iska Soo bixi, Annagaa Martiqaad iyo Dal Ku gal kuu Soo direeyno……. kharaj iska Soo bixi aa!!!.
Bilka Xamar Ku jooga ah iyo Kirada Guriga, ALLA ha ii fududeeyo .

Annigu London ma Kala baran, Laakin Adigaa London Taxi -iile Ka ahaaye Chatham House maxeey tahay?

Qore: Yahya Amir