24-Xisbi oo war culus ka soo saaray xaaladda siyaasadda, Fatahaada iyo doorasho dalka ka dhacda

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan weyne uu soo qabanqaabiyay Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda, iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxayna xubnaha ka qeyb galay kulankaasi si kulul uga hadleen Madal dhowaan looga dhawaaqay Muqdisho isla markaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeediyay ayaa iyagu ahaa guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah xisbiyada ku bahoobay isbaheysigaasi, waxayna ujeedkoodu yahay sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu xilligaan ku jiro oo ay ugu horeyso ka shaqeynta nabadda iyo sidii ay shacabku u heli lahaayeen xuquuqaadka ay ku leeyihiin dowladda iyo kuwa iyaga lagu leeyahay.

“4-5 xisbi ma noqon karaan madal Qaran, waxaana ku baaqayaa inay socoto cagajugleyn iyo xubno sheeganaya inay maroorsadaan masiirka dalka, kuwaasi oo ay ku jiraan madax dalka horay xilal uga soo qabtay” ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (TIma Jilic) oo ah Guddoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga ahna xiriiriyaha Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedkaWar Saxaafadeed 09-Nov-2019 pp

Guddoomiye Tima Jilic waxa uu sheegay in muddo saddex maalin ah kulamo adag ka lahaayeen ajandayaal ay ka mid yihiin:-

  1. Sidii loo abuuri lahaa guddi ka qeyb qaata taakuleynta dadka fatahaaduhu saameeyeen.
  2. Xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo
  3. Doorasho dalka ka dhacda xilliga loo asteeyay.

Guddoomiyaha dalladda isbaheysiga xisbiyada siyaasadda ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynayaashii hore ee dalka sida Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sh. Maxamuud ay hormuud u yihiin arrimo dib u dhac ku ah dalka.

C/llaahi Sheekh Xasan Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Dimoqoraadiyadda ayaa jawaab kulul waxa uu ka bixiyay hadal ka soo yeeray Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ahaa inuu ku hanjabyo sidii dalkaan dib loogu celin lahaa haddii aan tiisa la yeelin, taasina aanay la gudbooneyn in qof Xildhibaan Qaran ah.

“Ma aqbaleyno in ceelasha biyaha loo laabto nabadgelyo xumo darteed, anigoo ka xun ereyga afkiisa ka soo baxay Xildhibaankaas waxaan ugu baaqayaa inuu ka laabto” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo tilmaamay in xubnaha ugu sareeya madasha dhowaan lagu dhawaaqay ay ka shaqeynayaan xasilooni darro siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

Tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya mushaarka ugu kordhisay ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu Guddoomiye C/llaahi Sheekh sheegay inay ka hambalyeynayaan 21-ka xisbi ee ku midoobay isbaheysiga xisbiyada, wuxuuna ka digay in ha ciidamada dalka loo adeegsado qaab qabiil, koox iyo cid gaar ah.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Waxaa Diyaariyay: Cabdi Cadde
contact@somaliweyn.com