Shacabka magaalada Gaalkacyo oo gargaar soo gaarsiiyay Beledweyne

Gaalkacyo:-Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu sagootiyey Maanta 3 Gaari oo nooca Candhameydlaha loo yaqaan ah iyo Guddiga gargaarka deg-degga ee dhanka Caafimaadka oo ka kooban 5 xubnood, si ay ugu gurmadaan Dadka ay waxyeellada kasoo gaartay fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara Baladweyne.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirtay ayaa waxaa soo uruuriyay Shacabka Gobolka Mudug , waxaana sagootinteeda goob joog ka ahaa, Dhalinayaro, aqoonyanno, Culimaa’udiin, Saxafiyiin, Bulshada qeybaheeda kala duwan ee reer Gaalkacyo , maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa .

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka jirta xaalad adag oo haysata dadka ay saameeyeen fatahaadda webiga Shabeelle , iyadoo ay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka ay isku xilqaamayaan in ay gargaar soo gaarsiiyaan dadkaasi tabaalaysan.