Laacib ay ka Baqi Jireen Difaacyada K/Cagta oo Geeriyooday!!!

Numberka buuxa {10} ayuu xiran yahay, koox fac-weyn oo si aad ah looga cabsan jirey ayuu ka tirsanaa, qal-qal ayaa soo wajihi jirey difaacyada la raaciyo, hibo waxa uu lahaa xeelad cayaareed, dhisida kubbadaha, toogashada goolka, xaqiijinta Rigoorayaasha lagu aamino & deeqsinimo kubbaddeed.

Magaciisa dhabta ah waxa uu ahaa Maxamed Xaaji Uureey, laacibiinta loogu jecel yahay kooxdiisa Jeenyo iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ayuu ka mid ahaa, koobbab badan oo isugu jira Horyaal, Generaal Daa’uud & kuwo munaasabaddeed ayuu la soo qeybsadey kooxdiisii macruufka aheyd ee Wasaaradda Hawlaha Guud {LL.PP}.

Taariikh ahaan Maxamed Xaaji waxa uu ka mid ahaa Ciyaartooydii ugu magaca dheeraa sannaddihii Toddobaatameeyadii & Siteetamaadkii, safka hore waxa uu kaga jirey astaamaha ay ku faanto kooxdiisii lagu naaneysi jirey Jeenyo caga-weyne, xiddigaha aan laga maarmin ee mar walba garoonka ku jira ayuu ka tirsanaan jirey, waa la tabi jirey galabtii uu Jeenyo_ka _Jeenyo ka maqan yahay!

Saaxiibaddii ay isku kooxda ahaayeen waxay ku tilmaami jireen Mishiin iyo Duuliye aan la heli Karin, geesi si fudud u bur-burin kara difaacyada ka soo hor jeedo, xaqiiqdiina laacibkaasi waxa lagu xasuusan doonaa goolashii Dahabig ahaa ee uu ka dhalin jirey kooxihii ay wada cayaari jireen.

Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji waxa uu muddooyinkaan dambe ku xanuunsanayay magaalada Toronto ee dalka Canada, xalay ayuu halkaasi ku geeriyooday, xqiiqdii laacib culus ayaa ka baxay bahda isboortiga Soomaaliyeed.

Adduunyadu waa safar, qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doonto, ma dhinte waa Alle ee Allaha u naxariisto cayaaryahan Maxamed Xaaji Uureey, waxaana Marxuumka Alle looga baryayaa inuu Jannadiisa Fardowsa aheyd uu ka waraabiyo!!! Inaa Lilaahi Waa inaa Ilayhi Raajicuun.

WD:Shiikhlow