Donald Yamamoto: “Maraykanka wuxuu Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqayaa in….”

War saxaafadeed oo ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa dowladda soomaaliya iyo dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya loogu baaqay inay isugu yimaadaan wadahadal, islamarkaana xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo iyadoo loo marayo wadahadal nabadeed” sidaasi waxaa yiri Donald Yamamoto safiirka Mareykanka u fadhiya soomaaliya.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah, ee Amniga,dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”

Arintan ayaa waxaa ay ku aadaysaa xili khilaaf siyaaseed uu dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, iyadoona sidoo kale ay xusid mudan tahay in dowladda ay culeys kala kulanto siyaasiyiinta mucaaradka ee ka so horjeeda.