Xaaladda Gedo iyo maamulka Axmed Madoobe oo qarka u saaran inuu gacantiisa ka baxo gobol muhiim ah

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda degmooyinka gobolka ka tirsan oo gadood ciidan ka dhacay ay iminka degan tahay, kaddib markii shalay gelinkii dambe magaalada Garbahaarey laga saaray ciidamo ka gadooday maamulka gobolka.

Maamulka gobolka Gedo xubno ka tirsan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo la soo tashkiiliyay oo doonayay inay sameeyaan falal amniga lid ku ah, kuwaasi oo markii dambe lagu amray inay magaalada bannaankeeda tagaan.

Is rasaaseyn muddo kooban dhex martay ciidamo ka amar qaata maamulka Gedo iyo kuwa magaalada looga saaray balse lagu eedeeyay inay taageersan yihiin maamulka Jubaland isla markaana doonayeen inay sugaan ammaanka 3-guddoomiyeyaal degmo.

“Ma jirto cid u dhaxeyn karta Dowladda iyo Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye Ku xigeenka ammaanka gobolka Gedo oo u waramayay warbaahinta gudaha, isagoo sheegay in maamulka Gedo uu ka amar qaadanayo Dowladda Federaalka.

Cusmaan Nuur Xaaji waxa uu beeniyay warar sheegaya sheegay in ciidamada Itoobiya ee AMISOM qeybta ka ah 3-da guddoomiye ee Luuq, Doolow iyo Garbahaarey ay ku xireen degaanno ka tirsan xuduuda labada dal.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan ayaa saakay laga soo sheegayaa inay ka taagan yihiin degmooyinka hoos taga gobolka Gedo, kuwaasi oo looga horjeedo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha dib u doorashadiisa muranka la geliyay ee Axmed Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho la keenayo guddoomiyeyaasha taageersan Axmed Madoobe si ay xabsiga u dhigto Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya, iyadoo xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo ay kulamo la leeyihiin madax ka tirsan dowladda.

Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa u muuqda inay gacantiisa ka sii baxeyso gobolka Gedo oo ah kan ugu mihiimsan labada gobol ee uu ka arrimiyo marka gobolka Jubada Hoose, halka gobolka Jubada Dhexe gebi ahaantiis uu gacanta ku hayo ururka Al-Shabaab.