Shiikh Shariif ” Waxaan cabsi badan ka qabaa qaabka loo qorayo Ciidanka cusub ee nabad suggida ah..”

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada ayaa waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay dhismaha iyo dib u habeynta lagu sameynayo Ciidamada qalabka sida, isagoona sheegay in hay’adda Nabadsugida ay xiligan bilowday inay qorato ciidamo cusub, wuxuuna arintaasi Ku tilmaamay in khatar amni ay ka dhalato

Shiikh Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu cabsi badan ka qabo qaabka loo qoraayo Ciidankan cusub ee nabad suggida ah oo qaarkood dalka dibadiisa tababar loogu qaaday, isagoona xusay in ciidamadaasi lagu soo tababaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia

Madaxweynihii hore ee soomaaliya ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay ciidamo uu sheegay in loo tababaray in dad gaar ah lagu dhibaateeyo, waa sida uu hadalka u dhigay.