Maamulka Galmudug oo Shacabka oo la tacaalaya daadad ku soo rogmaday Xaafadaha Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:-Maamulka Galmudug iyo Shacabka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn ula tacaalaya sidii ay isaga moosi lahaayeen daadad xooggan oo ku rogmaday Xaafadaha Magaalada.

Roobab lixaad leh oo halkaasi ka da’ay Saacado badan ayaa sababay in uu karkaarrada jabsado Biyo xireen ay Dowladdii Militariga ka samaysay duleedka Magaalada Dhuusamreeb, kaas oo aan wax dayactir ah helin muddo dheer.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb, Macallin Nuur Cilmi Cabdille, ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay howlaha lagu moosayo Biyaha, wuxuuna Bulshada ku boorriyay in ay Gacan buuxda ka geystaan.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa Ganacsatada iyo Dadka kale ee dhisanaya Waddooyinka ay Biyuhu ka gudbi lahaayeen ugu baaqay in ay arrintaasi ka waantoobaan, isla markaana ay dib u furaan si anay daadadku waxyeello badan u geysan.