Gurya Samo Restaurant: Qofka inta aad Ka hubsato ha qiimeyn!!!

Habeen dhaxdaas ah Waan naxay, haddana waan farxay.

Qofka inta aad Ka hubsato ha qiimeyn.

Aniga oo kaligey fadhiyo xirmooyinka dhirta ah ee Gurya Samo, luuq mugdi ah oo shaah Cabayo,ayaa waxaa ii timid Gabar da’ yar oo Maddow oo caato ah,oo iila muuqatay qof Duruufeysan.

Waxa ey igu tiri: ma kula Soo Fadhiisan karaa, waxaan Ku iri Haa. Weey fadhiisatay, waxaan is iri, Dadkaan dhalin yarada ah ee meesha Laba Labo u fadhiyo oo qaar kood Ku yaqaaniin ameey is yiraahdaan, Duqii Caawa waa dhalin yareeynaa, Anniga oo fekersan ayey Gabdhii igu tiri:

Adigu Yaxya ma tahay? Waxaan Ku iri Haa. Waxa ey igu tiri: dhalin yaradaa ayaan la socday, waana markii iigu kaa horeysay oo aan Ku arko, waxaan rabay in aan kuu mahad celiyo.

Waan qaboobay.waxa ey ii sheegtay wax aanan maleeyneeyn markii ey i Soo ag fadhiisatay, waxa ey igu tiri: waxaan Ka imid Mareykanka, Xamar waxaan u imid in aan Soo booqdo waalidkeey oo xanuunsan.

Waxaan ahay Ardayad Jaamacad Ka dhigato Magaalada aan deganaa ee USA Ku taal, Markii aan Jaamacada galayay ayaa la i weeydiiyay in aan Soo qoro ” proposal paper” Topic aanan iska hubin ayaan qaatay, markii aan guda galay ayaan waayay wax aan Tixraaco oo hor dhac ogolaasho ii Noqdo, waqtiguna waa igu dhacayay, haddanaan gudbinna dhowr bilood ayaan dib u dhici lahaa.

Maalin ayaa Face Book-gaaga Ku arkay Moowluucii aan rabay oo kooban, kuligii ayaan tarjumay, waana gudbiyay waana la iga Aqbalay. Waxa ey ii sii faafaahisay sida ey u dhameystirtay Topic -gaa.

Waxaan Ku iri: waad iga farxisay haddiba aad waalidkaa u timid, iyo in aad ii sheegtay in qoraal aanan kuugu tala galin Ku anfacay. Adigaana mudan mahad celin, weeyna iga tagtay.

Ar Baraha Bulshadu Dad is bari ogaa.!!!!
Qofka intii aad Ka hubsato ha qiimeeyn.

Runtii, i aamin waa Dhacdo aan la kulmay, ee ma ahan sheeko iska hal Abuur ah, in aan dhacdadaa been kaaga sheegana Allaan Ka magan galay.

Qore: Yahya Amir