Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo ka horyimid xil ka qaadis lagu sameeyay

Gudoomiyaha maamulka Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa sheegay in aysan sharci ahayn xil ka qaadis maanta lagu sameeyay

“Waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Guddoomiyaha oo wareysi siinayay BBC-da ayaa hadalkaasi intaasi Ku daray in xukuumadda ay faro gelin Ku hayso Baarlamaanka maamulka Puntland

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa maanta xilka ka qaadis Ku sameeyay Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Jahwareer siyaasadeed ayaa ka taagan Magaalada Garoowe