Diyaarado Gargaar u wada Baladweyn oo ka dagay Guriceel

Guraceel:-Laba diyaaradood oo gargaar u sida magaaladda Beled-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxana la socday wasiirka Wasaaradda boostada iyo isgarsiinta XFS mudane Cabdi Canshuur Xasan.

Gargaarkaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la gaarsiiyo magaaladda Baled-weyne, si looga faa’iideeyo bulshada tabaaleysan ee ay saameysay fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Dhanka kale arrintaan ayaa ka dambaysay kadib markii la awoodi waayay in la adeegsado Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne oo ay Biyo badani dhe fadhiyaan.