Waa Xakaareen Xoogsatada Xamar!!! (Cidna uma Maqna, Ceelna uma Qodna)

Dib u noqo, baabuurka halkaas dhig, dantaada waxba igama galin, ciddii aad doonto u yeero, diyaar ma kaa tahay lacag bir qaad ah, halkaan aniga ayaa ka Madaxweyne ah iyo ereyo kale oo ku niyad jabinayo ayaa dhagtaada ku soo dhacayo marka aad tagto fariisimaha laga Controlo {illaaliyo} magaalada Muqdisho!!!

Nasiib-darro intaasi oo dhibaato ah waxay dusha kaga dhacdaa xoogsatada ku xamaasha baabuurta xamuulka ee ka hawl-gasha Dekadda iyo kuwa magaalada keena Dhagaxa, Nuuryadda iyo Carrada.

Rafaad, nolol xumo iyo bah-dil ayaa la isugu darey xoogsatadaas, baad ayaa Control-ada qaarkood looga qaataa, maalintii inay socdaan waa loo diiday, xayiraad ayaa lagu soo rogay, hal wado oo kaliya inay magaalada ka soo galaan ayaa lagu qasbay, wax ay sameeyaan ayay la’ yihiin!

Cabasho waa ka dhamaatey, illaahaa joogo ayay ku gaabsadeen markii ay waayeen cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay qabaan, marka aad booqato Controlada magaalada waxaad ku arkaysaa baabuur halkaasi safan oo la leeyahay Caawa ayaa la fasaxayaa, dhib uma yara gaadiidleydaas, ma haystaan meel ay cadceeda ama roobka ay ka galaan, dharraar kasta halkaasi ayay ku qaataan.

Fulinta amar kasta oo la soo saaro wey u dhaga nugul yihiin, waa canshuur bixiyaal dhiban, waa masaakiin Dawlad ku nool ah oo aan dhibkooda laga war-qabin, kheylo, buuq iyo Dacwo midna ma jecla, sabar ayaa saldhig u ah, culeys kasta oo la saaro wey qarsadaan, xaqiiqdii mararka qaarkood sidii la rabo oo aan sharci aheyn ayaa laga yeeshaa, lacago qasab ah oo aan xaq loogu laheyn ayaa laga qaataa.

Askari walba halkii uu joogo ayuu Madaxweyne ka yahay, naxariis darro ba’an ayaa meelahaas ka taagan, qash-qashaad, ku takri fal iyo tacadi ayaa goobahaasi loogu gaystaa gaadiidleyda isaga kala goosheysa magaalada Muqdisho, qaati ayay tagaan yihiin xoogsatada Xamar, naf dhici weysay ayay wadaan, rajo waxay ka qabaan maalin uun in laga bxi doono dhibaatada jirta.

“Dhib mooyee kuma faraxsani shaqada aan hayo, wax kasta oo xumaan ah ayaa dusheena ku dhaca, waad aragtaa halka aan feylka kaga jirno, caawa ayaa nala fasaxayaa, lacago bir qaad ah ayaa nagala rabaa, dhib nooma yara balse Alle ayaan leenahay” ayuu yiri Darawel ii sheegay inuu quus ka joogo shaqada uu hayo!

Murugo ayay ku nool yihiin xoogsatadaas, maalin walba xaaladooda waa ka sii dareysaa, waa dhib la nool, cidna aan u maqneyn, ceelna aan u qodneyn, Alle mooyee cid kale oo ay sugayaan ma jirto!!!

WD:C/Laahi Shiikhaalow