Waa maxay sababaha keena fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle?

Tan iyo markii ay dalka Soomaaliya ka curteen roobabka Deyrta muddo ku dhow laba bilood waxaa maalin kasta sii kordhayay fatahaado qasaarooyin baaxad leh u geystay dadka ku dhaqan degaanada ku dhow wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyadoo daadadka ka dhashay roobka ay guryahooda ka barakiciyeen in ka badan 60-Kun Qoys.

Goobaha ay sida ba’an u saameeyeen fatahaadaha waxaa ugu daran degmada Beled Weyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Degmada Mahadaay oo iyana ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, Degmada Buurdhuubo iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Roobabka Deyrta ayaa qaarkood waxay ka da’ayaan gobolada aan kor ku soo sheegnay, hase yeeshee gurmadka lagu samatabixinayo qoysaska waxyeelada ka soo gaartay ayaa laga deyrinayaa inuusan dabooli karin baahiyaha ay qabaan qoysaska guryahooda ka cararay fatahaadaha dartood.

Madaxweynaha Dowladda dhexe ee Federaalka ayaa maanta gaaray magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo horay magaaladaasi maalintii u tageen Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre isla markaana ahaa guddi ay dhowaan Dowladdu u magacowday arrimaha fatahaadaha.

Madaxweyne Farmaajo oo ay la socdeen madax iyo xubno ka tirsan Dowladda dhexe ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha ee magaalada Beled Weyne, waxaana isla maanta halkaasi gaaray qeybtii labaad shixnado gargaar ah oo Dowladdu ku tabaruceyso dadka ku tabaaloobay daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Cabdullaai Goodax Barre oo u waramayay BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in Konton Kun Qoys oo ka kooban 300-Kun qof ay ku barakaceen magaalada Beled Weyne, kaddib markii ay guryahooda harqiyeen fatahaado daadad wata, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan qiimeyn karin qasaaraha baaxadda leh ee roobabkaasi geysteen.

“Dowladdu 500-Kun Dollar ayay u qorsheysay gurmadka qoysaska ay saameeyeen fatahaada kuwaasi oo duruufo nololeed ay ku heysato degaanada buuraha ku dhow magaalada Beled Weyne” ayuu yiri Wasiir Goodax oo sheegay inay jiraan hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Turkiga iyo Qatar inay ballanqaadeen ka qeyb qaadashada taakuleynta qoyskaasi ay barakiciyeen fatahaadaha.

Ilaa 10-ruux ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen fatahaadaha ka dhacay magaalada Beled weyne maalintii doraad ahayd, kuwaasi oo ay la rogmatay qaarkood doontii ay saarnaayeen, waxaana dadka halkaasi ku geeriyooday caruur ka yar 5-sano, haween, xubno ka tirsan maamulka maamulkaasi.

Degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gebi ahaanba go’doonsan kaddib markii daadad xoogan ay biyo dhigeen dhul beereedka ku wareegsan magaalada, iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho ay ka baxayaan diyaarado sida shixnado gargaar ah kaasi oo muddo ka badan 48-saacadood dib u dhacay inuu gaaro.

Waxaa iyana sidoo kale degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Bakool iyo degaano kale oo iyana ka tirsan gobolada Jubbooyinka ay fatahaado ka sameeyeen wabiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo geystay qasaarooyin lixaad leh u geystay dalagyadii ku yiilay dhul beereedka kuwaasi oo dhammaantood ay la tageen daadadka fatahaadaha.

Isku soo dhuuboo ma aha markii ugu horeysay oo gobolada Soomaaliya qaarkood roobabka ka da’aya qasaarooyin lixaad ay ka soo gaaraan qoysaska isugu jira beeraleyda iyo xoolo dhaqatada labada xilli roobaad, iyadoo khubarada ku xeel dheer arrimaha beeraha ay ka digeen in haddii aan laga hortegin khatarta sii kordheysa dhaawac weyn u geysaneyso waxsoosaarka kheyraadka dalka.

Sababaha sanad kasta keena fatahaadaha wabiyada Juba iyo Shabeelle ayaa loo sababeynayaa saddex arrimood oo kala ah:

1. Wabiyada oo aan la dayactirin muddo 28-sano

2. Qashin fara badan oo lagu daadiyo webiga dhexdiisa

3. Goobihii Biyo xireenadii Wabiyada oo ay dadku degeen

Gobolada ay sida ba’an u waxyeeleeyeen fatahaadaha ayaa waxaa gebi ahaanba ay biyuhu qaadeen dalagyadii sanadkaan ka soo go’i lahaa beeraha, iyadoo sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray 80% guryihii ay degenaayeen, halka malaayiin ka mid ah xoolihii ay dadkaasi dhaqanayeen ku bas beelay qulqulka biyaha wabiyadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dejineyso qorshe uu ku baxayo malaayiin Dollar inay ku bixiso mashruuc lagu maareynayo masiinbooyinka ka dhasha fatahaadaha, inkasta oo aqoonyahanada falanqeeya difaaca looga hortegayo waxyeelada ay geysanayaan roobabka uu u baahan yahay mashruuca Dowladdu diyaarineyso.

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamud Nuur (Jabra)
Email: saxafi37@gmail.com