Subaxaan Laba su’aal iiga Jawaab?

Laba su’aal ayaan subaxaan jawaab dhameeystiran u la’ahay oo qoraal aan qorayay hakad iga galiyay, fadlan aqristoow ma iga caawin kartaa,inaad qoraalka wax iigu sii kordhiso?

1- Sadam Xusien iyo Maxamed Siyad ayaa Ku wada heshiiyay Mashruucii weynaa ee “Ciraaq /soma” kadibna in Macdanta qaaliga ah oo Uranium u badan ay Ka Soo wada saartaan deegaanka Caliyoow Geele ee Somalia, si ay uga maarmaan Shirkadaha Ajaanibta ah, Faa’iidadana Labada Dal u qeybsadaan.

Arrintaa waa la bilaabay, waxaa la helay xogta waxa Ku jiro iyo halka ay Ku jiraan, waxaa lala Soo heshiiyay shirkadihii Soo saari lahaa, dhinaceeda Ciraaq waa Soo dhameysay.

Arrintaa waxaa loo xilsaaray Ambassador: Abdirizak Al Hashim oo ahaa Safiirkii Ciraaq u joogay Paris- Farance, markii uu Soo dhameeyay, ayuu Xamar yimid si Heshiiska Dowlada Somalidu dhinaceeda uga saxiixdo, Madaxweynihii ayuu la kulmay, Madaxweynihii ayaa Ku yiri: Habeen Dambe ii imaad, si aan u saxiixno. Habeenkii dambe ayuu u tagay Al hashimi. Waxaana lagu yiri: Wadanka uga bax 24 Saac.

Al hashimi waxa uu leeyahay Owlaba owlaa Ka weyn. Laakin, weli waxaan fahmi la’ahay cidda Amarkaa siisay Madaxweynaha in uu mar kaliya Ka baxo wixii aan isku ogeeyn oo dan noo wada ahaa.

Su’aashaa waxa uu weeydiiyay Safiir hore oo Somali ah oo aan saaxiibo aheyn. Safiirkii iyo Aniguba waan isku raaci weynay cidda dhab ahaan Amarkaa ka noqoshada bixisay, ma shirkado ajnabiyahaa mise Dowlad weyn.

Adigu Yaad u maleeynee?

2- Ururka Jaamacadda Carabta waxaa asaasay Ingriiska, Danta dhabtaa ee uu Ka lahaa iyo waxa uu uga hortagayay maxeey aheyd?.

Ururka Islaamkana waxaa gacan weyn Ka qaatay assaaskiisii Mareykanka oo Soo dhax maray Sucuudiga, Danta dhabtaa ee laga lahaa, iyo Ururada abuurmi lahaa ee lagu baajinayay kuweey ahaayeen?

Fadlan, si aan qoraalkeeyga u dhameeystiro, maxaad igu kordhin kartaa, Adiga oo mahadsan?

Qore: Yahya Amir