Shirka Todobaadlaha ee Gobolka Banaadir oo looga Hadlay arrimaha Amniga Caasimadda.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir gudoomiyay Shirkii isbuuclaha ahaa ee Gudoomiyayaasha Degmooyinka G/Banaadir, kaasi oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Dar dar gelinta Gurmadka fatahaadaha Baladweyne, xaalada amniga, sara uqaadista Nadaafada iyo bilicda Caasimadda,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, isagoona kula dardaarmay inay sii xoojiyan sugida amniga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada Gobolku ay uga qeyb qaadanayaan horumarrada kala duwan ee ka socda Caasimadda, waxuna ugu baaqay in howlaha socda lasii dardargeliyo.