Shidaalka Soomaaliya ma Propagandaa?

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Soomaaliya qorsheyneyso in bil ka dib bixiso shantiga ilaa 30 milyan oo fuusto oo shidaal si ay u soo jiidato shirkaddaha maalgashiga sameeya ee aduunka ka jira.

Hadalkan waa mid xaqiiqda ka Fog oo aan ku wanaag saneyn Qof masuuli ah in uu wax Propaganda ah ka dhigo xaqiiq jirta.

Shidaal shatigiisa waxaa ka horeeya in uu jiro heshiis bulsho iyo in la og yahay degaanka shidaalka laga soo saarayo
Xirmooyinka shidaalka ah Degaankaa ma laga hirgaliyey kaabayaasha u baahnaa wax soo saarka shidaalka.

Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in fursad shaqo ay u noqon doonta dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da’ yarta aysan ku biirin kooxaha alshabaab iyo burca badeedka ka jira xeebaha soomaaliya.

Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, oo aad loo isticmaalo awooda Tamarta shidaalka.

ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq libiya yamen siriya oo ah.

Waxaan Tusaale wanaagsen u soo qaadanayaa dalalka ay dhiabaatada ugu badan ka soo gaartay.

iyadoo shidaalkii dabiiciga ahaa aan si wanaagsan loo qeybsanin. Dalkaana uu ka jiro Khilaaf bulsho oo sababey dhibaato dagaalo sokeeye.

Dadka iyo dalka soomaaliyeed way u nugul yihiin khilaaf hadaan la helin Heshiis bulsho oo awood badan.

Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre waxay waqti badan kulumiyeen Siyaasad ku dhisan hadal Propaganda ah oo aan horseedayn wax Dib u heshiin keenta daganaasho siyaadadeed oo yaraysa khilaafka ka jira bulshada soomaaliyeed dhexdooda.

Danjire Maxamed Caalim