Saxafi Bashiir Jiilaal Barrow oo farriin u diray Soomaalida degan “Zwolle en Omgeving” Holland


Bashiir Jiilaal Barrow oo ah saxafi rug cadaa ah, kana soo shaqeeyey Radio Muqdisho, ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha guddiga jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda Axmed Hayaan iyo xubnaha guddiga “Zwolle en omgeving” isaga oo ku ammaanay howsha adag ee ay u hayaan mushtamaca Soomaalida.

“Qofka ubad Soomaaliyeed waqtigiisa gelinaya, weliba “fulltime” ugu shaqeynaya isaga oo aan wax mushaaraad ah ku qaadaneyn, wuxuu mudan yahay in diiwaanka samafalaayasha lagu qoro” Ayuu yiri Bashiir Jiilaal oo maalintii Axadda booqday dugsiga ay maamulaan jaaliyadda, isaga oo warbixin isugu jirta mahadcelin iyo tallo-jeedin la wadaagay qaybaha bulshadda.

Bashiir Jiilaal Barrow, wuxuu warbixintiisa ku xusay inuu la soo shaqeeyey rag kala duwan oo madax ka ah jaaliyado ay ku middeysan yihiin dad Soomaali ah, haddana ay aad u yar yihiin kuwa ka run-sheega xilalka ay hayaan, isaga oo xusay in guddiga jaaliyadda ee uu hormuudka u yahay Axmed Hayaan ay yihiin aqoonyahanno bisil, oo aan u baahneyn in la sheeg sheego, qof walba ee xaruntooda booqdana uu ka marqaati kacayo waxqabadkooda.

“Soomaalideenna, waxaa ku jira kuwa ay dhaqan u noqotay in ay sheegtaan xilal, ujeeddada ay ka leeyihiinna ay tahay oo keliya; in ay fagaarayaasha la isugu yimaado dadka aan aqoon u camiraan, waxaan soo arkay rag & gabdho aan dooneyn in meel walba laga sheego, lehna dhaqan hogaamineed oo dhab ah, raggaas iyo gabdhahaas waa guddiga jaaliyadda Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Hayaan.

Markii aan booqday xaruntooda waxaan soo arkay dad 8-da subixnimo ilaa habeenkii u khidmaynayaan caruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, waxay caawiyaan caruurta Soomaaliyeed iyo cid kasta ee u baahan in la caawiyo ee degan [Zwolle en omgeving], ardayda iskuulada dhigata waxaa laga caawiyaa casharadda ku adkaada [huiswerkbegeleiding], kuwa kale waxaa laga caawiyaa tarabiyadda islaamka, kuwa kale qur’aan ayaa loo dhigaa, xittaa waxaa magaca Soomaalida ku caawiyaan caruur u dhashay dalka Suudana iyo “West Afrika” waxaan u soo jeedinayaa qoysaska Soomaalida in ay ka faa’ideystaan ragga aqoonyahanada ah ee u darban in ay caruurtooda casharada iskuulka ka caawiyaan” Ayuu yiri Bashiir Jiilaal Barrow, isaga oo ugu dambeyntii ku soo gabagabeeyey hadalkiisa:- “Guddoomiye Hayaan waxaan leeyahay adiga iyo guddiga aad hormuudka u tahay horay u socda”