Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajanhan Beledweyne

Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay ku wajahan magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana wafdiga ka mid ah xubno ka tirsan isbaheysiga xisbiyada midoobay.

Socdaalka wafdigaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadkii waxyeelada ka soo gaartay fatahaadaha ku dhuftay gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo madax ka tirsan xisbiyada siyaasadda dalka ay ka qeyb qaataan gurmad lagu samatabixinayo dadka ay saameysay fatahaadda wabiga.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka da’een roobab xoogan oo socday saacado dhowr ah, iyadoo garoonka diyaaradaha magaaladana biyo meelihii horay looga bixiyay.