Qaramada Midoobay oo gargaar gaarsiisay Magaalada Beledweyne.

Qaramada Midoobe ayaa bilowday in ay gurmad ay gaarsiiso dadkii ka barakacay fatahadaha webiga shabelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), waaxda gargaarka ee Qaramada Midoobay, iyo la-hawlgalayaal kale oo ay fududeeyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa waxaa ay bilaabeen inay gurmad kala duwan gaarsiiyaan qoysaska ay saameeyeen daadadku, iyo fatahaadaha Wabiya sigaar ah Magaalada Baladweyne.

Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya, Kaaba Arroyo, ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula shaqeyneyso mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya si ay u gaarsiiso agabyada gargaarka qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.

Qoysas badan ayaa xiligan waxaa ay ku dhibaateysan yihiin duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.