Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku ridday sagaal Shabaab oo ay ku jirto ruux haween ah

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay ku xukun ku riday xubno lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaaab.

Xubnaha xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar, waxaana dhamaantooda loo heystaa in ay ka mid yihiin Al-shabaab, iyadoona lagu eedeeyay in ay xubin ka ahaayeen dadka dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa xubnahan waxaa uu ku eedeeyay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ay kaga sugan yihiin magaalada dhexdeeda.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in sagaal eedeysane oo ka tirsan Al-Shabaab maanta xukuno kala duwan lagu riday.

Xukunka lagu riday sagaalka xubnood ayaa waxaa uu u dhacay Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Ugu dambeyntii guddoomiye Shuute aya amar ku bixiyay in la sii daayo Cabdikhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,