Mala gaaray oo Weli Dalka ma Ku aragtay!!!?

Sayidinaa Cali bin Abii Daalib RC ayaa 1400 Sanno Ka hor yiri: Waxaad gaari doontiin Waqti, Odayaashiinu ey yihiin kuwa dambiilayaal ah oo xun.Caalimkiinu uu yahay Munaafaq, kiina yari uuna Xushmeeyneeyn kiina ka weyn.Hantiilihiinuna uunan kaalmeeyneeyn Faqiirka.

Weli Dalka ma Ku aragtay?

1- Ma aragtay, Odayaal dhaqan iyo Duubab Dad xun ah oo Damacoodu duleeyay oo dambiilayaal noqday?.

2- Ma aragtay, Culumo ey Ka muuqato Saddaxdii Sifo ee Xadiithka Rasuulkeena Mohamed CSW uu noogu sheegay in ey yihiin Calaamad Munaafaq ?

3- Ma aragtay, qof yar oo aan ixtiraameeyn kii Ka weeynaay?

4- Ma aragtay, Hantiile, Dad dhibaateeysan aanan u kaalmeeyneeyn isaga oo awoodo? ( Sida Abaar, Fatahaad, Cudur, iwm) ( F.S: 1-3aad)

Ma la gaaray waqtigaa Sayid Cali RC uu sheegayo?

Qore: Yahya Amir