Maamulka Galmudug kuma imaan karto awood ciidan, jujuub iyo awood maroorsi


Maamul Galmudug oo ay leeyihiin dadka deegaanka degan kuma imaan karo awood ciidan, jujuub iyo awood maroorsi.

Labada maamul ee ugu cimiga dheer ee Soomaali leedahay Puntland iyo Somaliland kuma iman kumana dhismin ciidan dowladeed oo Muqdisho ama deegaan kale laga keeney ama awood ciidamo shisheeye. Puntland iyo Somaliland waxey ku dhismeen rabitaan iyo baahi ka timid dadka deegaannadaa degan, isfahan iyo isqancin, waan qirayaa in sadbursi iyo qaladaad siyaasadeed ka jiraan labadaa maamul laakiin waa laba maamul oo shaqeeya oo inta badan dadka deegaannadaa degan ay ku qanacsan yihiin.

Ciidamada diyaarada looga soo qaadey Xamar ee soo baneeyey aagagii Muqdisho kaga difaacayeen Al Shabaab ee iminka la wareegey Matabaan, Guriceel iyo Dhuusomareeb imisa ayey Galgaduud sii joogi karaan ?. Ma iyagaa sii difaacaya maamulka cusub ee Dowladda Federaalka gacanteeda ku dhisi doonto?. Marka Muqdisho lagu celiyo ciidankaa Ahlusuna iyo Al Shabaab yaa ka difaacaya maamulka la dhisi doono ?.

Maamul kasta oo ku dhisma jujuub iyo xoog oo ku iman dib u heshiisiin iyo oggolaansho guud ee shacabka deegaanka wuxuu noqonayaa maamul fadhiid ah oo fashil ku dhamaada.

Ma taageersani urur diimeed hubeysan laakiin Ahlusuna waa urur deegaanka u soo halgamey weli hubeysan waxaan qabaa in la qanciyo, maamulka la dhisayana qayb ka noqdaan. Waxaa kaloo muhiim ah in Galmudug ka dhacdo doorasho xalaal ah oo dadka deegaanka degan u madax banaanyihiin. Axmed Madoowe haddii lagu eedeynayo doorashada Jubbaland ayuu afduubtey hadda waa In Dowladda Federaalka afduuban doorashada Galmudug ka dhici doonto.

Guddiga Doorashada ee Muqdisho laga soo magacaabey oo u badan shaqaalaha Dowladda Federaalka waa In meesha laga saaraa. Guddiga doorashadu waa in ay keensadaan beelaha Galmudug dega, beel walba waa In soo xulataa qof aqoonyahan ah kadibna gudidigaas doorashada loo madaxbaneeyaa. Odayaasha dhaqanka ee rasmiga ahna la siiyaa madaxbanaani ay ku soo xulaan xildhibaanka ay beeshu doorato.

Dowladdii Federaalka oo deegaanka xoog kula wareegtey haddii keligeed doorashada maamulato oo ninka ay wataan kursiga xoog iyo musuqmaasuq ku saaraan, waxey doorashada Galmudug noqonaysaa mid aan ka duwanayn tii Baydhabo iyo Kusmaayo ka dhacdey wuxuuna noqonayaa fashil kale oo aad u weyn oo ku yimaada hanaanka dowlad dhisida Soomaaliya.

Ilyas Mohamud Hussein