Duqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Al-Shabaab oo xalay ka dhacday gobolka Mudug

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday koonfurta gobolkaas, gaar ahaan deegaan hoos taga degmada Xarar-dheere.

Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos taga degmada Xarardheere ayaa lagu duqeeyay xarumo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka ku nool deegaankas ayaa warbaahinta u sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay ku baraarugeen daryanka gantaallo ay diyaaraduhu ku garaacayaan xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankas.

Weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Deeqlo oo hoos taga degmada Xarar-dheere.

Dhanka kale deegaan kale oo lagu magacaabo Jiracle oo u dhaw deegaanka Caad ee isla koonfurta gobolka Mudug ayaa habeeno ka waxaa duqeyn ka fuliyay diyaarado, walow aan wali la ogeyn khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay duqeyntaas, isla markaana aysan jirin cid wali sheegatay.