Siyaasiyiinta soomaalida Kenya oo dhaliilay natiijada tirakoobkii dhawaan la sameeyay.

Waxaa maanta shaaca laga qaaday natiijada tirakoob laga qaaday shacabka Kenya, waxaana tirada shacabka lagu sheegay inay gaarayaan guud ahaan 47.5 Malyan oo qof.

Tiradan ayaa boqolkiiba 9 Malyan ka badan tirakoobkii la qaaday tobban sanno ka hor.

Waxaa natiijadan tirakoobka dhaliyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta laga soo doorto gobolka waqooyi bari, kuwaas oo sheegay in aysan fileyn natiijadan.

Xildhibaan Maxamuud Oomaar oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn natiijada tirakoobka isla markaasna ay fileyn natiijadaas.

“Xisaabihii aan filaneynay lama soo qorin..xisaabahayaga aad ayaa looga dib dhacay” ayuu yiri xildhibaan Oomaar.

Waxaa uu sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan cabashadooda ku aadan tirkakoobka shacabka soomaalida ee ku nool gobolka si ay uga baaraan degaan tallaabada xigta ay qaadi doonaan.

Natiijada tirakoobka gobolka waqooyi bari:

Gaarisa, 841,353

Wajeer, 781,263

Mandheera, 867,457