Jabkaaga Daanyeer ha Ku qoslo inkaar miyaa?

Dhuusamareeb ayaa Beydhabo jabkeeda Ku qososhay, Baydhabo ayaa markeeda Dhuusamareeb Jabkeeda Ku qososhay, Somali wada jajaban ayaa midba kan kale Jabkiisa Ku qoslay.

Muxaafadkii ayaa Ku qoslay Mucaaradka Jabkiisa, Mucaaradkii ayaa Ku qoslay Muxaafadka jabkiisa, Dowladii ayaa Ku qososhay Shacabka Jabkiisa, Shacabkii ayaa Ku qoslay Dowlada jabkeeda.

Wadamadii Deriska ayaa Somali Jabkeeda Ku qoslay, Caalamkii ayaa Ku qoslay waxa Derisku Ku qoslay,Dugaagtii ayaa Ku qososhay waxa Caalamku Ku qoslay, Daanyeer ayaa Ku qoslay waxa dugaagtu Ku qososhay, Daanyeerkii ayaa Ku qoslay waxa Daanyeerka kale Ku qoslay. ( F.S: 1-4)

Waxa lagu wada qoslayo ayaa ah Aniga iyo Adiga oo Walaalo ah Jabkeena, Anigii & Adigii ayaa Ku wada qosolnay Jabkeena.

Seen uga Soo kabanaa Jabkeena? Mise jabka lafitiisa ayaa Ku sii qosolnaa?

Qore: Yahya Amir