Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiyo Soomaaliya,waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada wadan iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Safiirka dowlada Ingiriiska ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka u sheegay in dowladda ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan wuxuuna Sidoo kale uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka go’antahay xoojinta taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa uga mahad celiyay Dowlad ingiriiska taageerada ay siiso Soomaaliya.