Fiqi Tolkiisa kama janno tago!!

Ummaduhu, waa ineey leeyihiin xeerar dhaqameed aanqorneyn oo dadka kala celiya, kuwaas oo ah kuwa la islayaqaan, una diidaayo in qofku waxuu rabo sameeyo, kunakhasbaaya qofku inuu ixtiraamo dadka ku xeeran.  Haddaogoow, waxa aan ka hadlaayo maahan Sharci qoran oo lehawood fulineed ee dowladeed.

Balse, waxa jiray oo duntaas shabaqaa isku haayo, waa uunshuruuc dadku isla dhigteen iskulana ogolaadeen Geedkahoostiisa, ilmuhuna ku soo barbaareen dhaqanadaas facaweyn.

Waxaa jiro waxyaabo badan oo aad u fiican, loona baahanyahay ineey joogto noqdaan, kuwaas oo wanaajihaayoadduunyadaada iyo aakhiraada, kuwaas waxaa ka mid ah:

Walaalkaa marqaatiga ku fur, Megtana la bixi

Waa murti qiimo badan una baahan ineey dhaqangal iyojoogto noqoto. Waxeey muujineysaa kaana fogeyneysaa kaanareebeysaa, Waxa la yiraa Shahaaddo-Suur, Marqaatigi waafurtay, Gasooyinka ama moorooyinka Magta laga aruurihayana ka mid ayaa noqohee oo taada ayaa ugu horreysomoorada xoolaha laga soo dareerinayo. Waxaad suubsatay tiiAakhiro, tii caymiska Bulshadana waa ku jirtaa oo kamabixin, sharaf iyo xushmana waad ku heshay.

Waxaanse rabaa, oo aan u araranayo ayaa ah Fiqi Tolkiiskama janno tago.

Waxeey ila tahay in Fiqigu yahay Caalim ku xeeldheer cilmigadiinta gaar ahaan Cilmi fiqi.

Waa qofka, marka dundu miliqdo loola noqonaayo inuu kala furfuro,saxa iyo khaladka, xaqa iyo baadilka, Xalaasha iyoxaaraanta kala sooco.

Fiqigu, waa qof laga sugaayo inuu tusaale fiican u noqdaabulshada uu Fiqiga u yahay, waa inuu noqdaa qof ay hagayaanMaskax, Qalbi iyo Niyad fiican oo aqooni gundhig u tahay.

Fiqigu, lagama rabo, loogamana fadhiyo inuu xaalkiisuahaado Laabta ka soco ee waa inuu noqdaa mid go’aan adagoo cad leh, docna aan uga leexan Kitaabka iyo Sunnaha.

Qofka laga rabo sifahaas cuslus, waxeey ila tahay inuu yahay,qof dadka u dhexeeyo, balse ma ahan inuu noqdaa qof dadgaara meel ugu xiran, waxa ay rabaana u Fatwoodo, kuwaasoo kula ballamay Laabta ka soco.

Fiqi tolkiis kama janno tago, haddii Bulshada ay saldhig ka dhigatay oo waqti walbaa iyo meel walbaa lagu hadaaqaayo, dhallinyarada iyo jiilka ka dambeeyana saas uun loomaqashiihaayo, soow adduunyo iyo aakhiqo ku dheelnimomaahan?, oo noqon mayso uunLaabta ka soco”, oo iyadunoqoneyso dardaaran qarsoon oo qofka la huwinaayo.

Fiqiguna, waa uun qof bulshada ka mid ah, oo wax ka qabatimay dhaqamadaa Laabta ka soco”, oo markaan loogusii daray waxyaabo kale oo ay ugu horreyso Fiqi tolkiis kamajanno tago, haddii uu isku dayaa middaas iyo Laabta ka socana, waxaa la sii hor dhigaa ama lagu soo hor-qooraa, tu kale oo la sii micnaa kuwaas, taas oo ah ” Tolkaaga iyokobtaada dhexdaa looga jiraa. Xaalku waa uunLaabta ka socoRabbiyoow adaa jooga!!

Ar waa yaabkaas, Haddii xaakimkii lagu barbaarshayereyadaas bulshada dhexdeeda ku culus kuna weyn, Ma waxaan ka sugnaa Xukun togan mise taban? Soow xaalku noqon maayo uun Mihii cir laga sugaayay ayaa ceeryaamoka timid”. Seeyse ku dhecee adoo Tiin abuurtay inaad Timirgurato.

Mugga, waxaa uun cad waxeey noqohee, in xaakimkii saas kusoo barbaaray oo qabatimay xukunkiisu inuu noqdo ” La joojiyaa banaan la fiifiyaa bannaan.

Kol haddii xukunku noqdaa la joojiyaa bannaan la jiifiyaabannaan, lays weydiimaa in muhu caddaalad taal iyo in kale.

Waa dhab, waana lama huraan in caddaalad la helaa, taas oohorseedda nabad waarta. Caddaaladduna waa ineey hoos ka bilaabataa korna u duushaa ee maahan in ay kor ka soo degtaasida dhibcaha roobka.

Dhaqanka oo caddaalad la huwiyo, waxuu horseed u yahaycaddaalad guud oo la helaa. Maxaa yeelay, haddii isagucaddaalad noqdo, xorna ka yahay Siyaasad iyo arrimo kale, isagaa horseeda Siyaasad iyo siyaasiyiin hufan.

Dhaqan saldhigidhiisu yahay Laabta ka soco, oo micnuhuuu noqonaayo hoos isula dardaaran caddaaladda ka dhan ah, una noqonaayo Kabtaada iyo tolkaaga dhexdaa looga jiraa. Si caddaladi u timaad, sow ma habboona in taas iyo laabta ka soco xal loo helo.


Xuseen
M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com