Daacishta Soomaaliya oo war ka soo saartay hoggaamiyaha cusub ee Syria

Warbixin uu daabacay wakaaladda Reuters kooxda la magacbaxday Daacish faraceeda Soomaaliya gar ahaan Puntland  ayaa warmurtiyeed ka soo saaray geerida Hoggaamiyahoodii Abuu Bakar Al Baqdaadi oo todobaadkii hore lagu dilay waqooyi Bari ee dalka Syria.

Daacishta soomaaliya ayaa sheegtay in ay u hoggaansan tahay hoggamiyaha cusub ee kooxda Daacish ee dalka Syria.

Sidoo kale kooxda daacish ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen in ay daacad u yihiin hoggaamiyaha cusub ee kooxdaasi.sawirka iska soo qaaday iyaga oo daraasiin ah islamarkaana taagan geed hoostiis waxaana ay ku dhawaaqayeen u daacad ahaanshaha hoggaamiyaha cusub ee Ururka

Arintan ayaa ka dambeeyay kadib markii sawir la geliyay barta Telegramka ee kooxda Daacish.

Hoggaaamiyaha cusub ee kooxda Daacish ayaa waxaa lagu dhawaaqay khamiistii la soo dhaafay, iyagoona wacad ku maray in ay ka aarsan doonaan dowladda Mareykanka.

Halkan ka Akhriso

https://www.reuters.com/article/us-islamic-state-somalia-security/somalias-islamic-state-affiliate-vows-support-for-groups-new-leader-idUSKBN1XD0KK