Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in garoonka Magaladaasi ay ka dagtay diyaarad siday Ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Turkiga loona yaqaan Haramcad.

Ciidamadaan maanta dowladda geysay Dhuusamareeb ayaa tiro ahaan lagu sheegay 50 Askari .

Aritaan ayaa ku soo aadeysa xili maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ay wareegeen dagmooyinka ,Matabaan Guriceel iyo Dhuusamareeb, maadaama halkaasi ay markii hore ka arimin jireen ciidamada Ahlusuna.

Ciidamadan maanta la geeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sugi doonaan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashada Galmudug.