Banaanbax Dagaal nacayb ah oo maanta ka dhacay degmada Kaxda

Banaanbax looga soo horjeedo dagaal beeleed iyo dilka dad shacab ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dadka dhigay banaanbaxa ayaa saakay ka carooday qof dumar ah oo degmada Kaxda lagu dhaawacay, waxaa uuna falkaasi la xariiraa aano qabiil, sida ay dadka deegaanka u sheegeen KNN.

Maanta ayaa waxaa xiran dhaamaan goobaha ganacsiga ee ku yaala degmada Kaxda, iyadoona dadka deegaanka cabsi badan ay muujinayaan.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka banaadir iyo kan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.