Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo mar kale eedeymo u jeediyay Maamulka Ahlu-Sunna.

Muqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo goob fagare ah kula hadlay shacabka magaalada Gurceel ayaa mar kale eedeyn u jeediyay hogganka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Wasiir Sebriye waxa uu sheegay in qaabka ay Ahlu-Sunna wax ku doonayso uu yahay dib u noqosho, sidii looga bartayna uu maanta dhaqankoodu ka badalanyahay.

Waxa uu sheegay in Dhuusamareeb uu ugu tagayo isla markaana aysan dowladdu ka daali doonin qancinta Ahlu-Sunna , isagoo ugu baaqay in danta Galmudug ee dowladdu wado aysan hor is taagine kala shaqeeyaan.

“Anaga ka dowladd ahaan waxaan ka shaqeyneynaa in aan la fadhiisano Ahlu-Sunna oo tabashooyinkooda xallino, waxa ay tabanayso Ahlu-Sunna ma dhaafsana guddi hala iigu daro iyo xildhibaano hala isiiyo, khiimo istaahila Galmudug halagu kala tagana maaha, hadey mar walba xujo ka dhigaan wax walba waa in naloo sameeyo, waxay arintu gaaree in la dhaho Dhuusamareeb waataas u taliya shalay waa nagu soo dhaweyseen, balse maanta waa is badasheen, taasina waxay dhaawac ku tahay sharafta magaalo madaxda iyo culumada” ayuu Gurceel ka sheegay Wasiir Sebriye.