Madaxa Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir oo Baaq u soo diray Dowladda Federaalka.

Muqdisho:-Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaaraya magaalada Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan inay bilowdeen saan saan nabadeed iyo baaqyo isa soo taraya, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan dawladda dhexe iyo Ahlu-sunna iyo xiisadda ka taagan Gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel.

Madaxa Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay warbaahinta, gaar ahaan laanta Afka-Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in la soo afjaro khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ahlu-sunna iyo Dawladda dhexe , waxa uu xusay Sheekh Shaakir in Ahlu-sunna aysan diyaar u ahayn in dagaal wiil kaga dhinto ama kaga dhaawacmo .

Dhinaca kale qaar ka tirsan Culimada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxa ay ugu baaqeen maamulka Galmudug,Ahlu-sunna iyo kan Dawladda Dhexe in ay soo afjaro tabashooyinka ay kala tirsanayaan iyagoo u danayna shacabka