Dhamaca Siyaasad Siloon iyo Cumri qof kale!!!.

1-Mrs.Jean waxa ey aheyd Haweeney Faransiis ah oo 90 Sanno jir aheyd, Hanti waxa ey Ka leheeyd Guriga ey deganeyd oo Ku yiil Bartamaha Magaalada paris. Laakin ma heysan Dakhli ey Ku Noolaato.

Nin Qareen ahaa ayeey kula heshiisay in uu xanaaneyo bil kastna uu siiyo Lacag dhan 2500 Fran, taa bedelkeedana Marka ey geeriyooto in uu qaato Guriga.
Waxa uu qiyaasay in Duqda Cumrigeedu uuna dhaafi Karin 100-105 Sanno. Taana uu faa’iido Ku qabo oo gurigu uu Ka qiimo badan yahay Lacagta Ka bixi Karo 10-15 Ka Sanno oo ey noolaan karto.

Waxa uu dhintay Qareenkii 26 Sanno kadib , Markaa oo Mrs.Jean ey u dabaal degeysay Sannad Guuraagii 116 aad ee Nolosheeda, Gurigiina Qareenkii kama dhaxlin.( F.S: 1aad)

2- Marry waxa ey aheyd Gabar 20 Sanno jir aheyd oo Ingriis ah, waxa ey Guursatay George oo ahaa Millionaire 80 Jir ahaa si ey uga dhaxasho Hantidiisa faraha Badan.

Marry waxaa ey dhimatay 5 Sanno kadib iyada oo 25 jir ah, George oo u dabaaldegayo Sannad guuragiisii 85 aad. (F.S: 2aad)

Cumrigaaga ALLAA hayo, ee Hunguri Cumri qof kale Ku xiran iyo Hunguri siyaasad Siloon Ku xiran yeeynan meel xun kaa ridin.

Qore: Yahya Amir.