Madaxweyne Dani “Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa,Puntland kama soo horjeedo..”

Garowe:-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Maxamed Dani oo khudbad u jeedinayey shacabka ku nool magaalada Qardho oo maalmahan uu ku sugnaa ayaa si kulul uga hadlay khilaafka ka dheexeeya maamulkiisa iyo dowladda federaalka, si gaar ah siyaasadda ay dowladdu ku wajaheyso maamulka Puntland.

Dani ayaa sheegay in uu ka war hayo kicin la iskaga horkeenayo maamulkiisa iyo shacabka Puntland oo laga abaabulayo deegaano ka tirsan maamulka, kuwaas oo sida uu sheegay laga soo agaasimay meelo kale.

Meelaha qaar ayuu sheegay in ay dowladdu ku gambaneyso mashaariic hormarineed, balse taas bedelkeed ay wado geedi socod siyaasadeed oo ku wajahan madaxda iyo shacabka Puntland.

”Dowlada federaalka ah aniga waxaan ka soo noqday wasiirka qorsheynta waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanaya laakiin xaqiiqda waxay dadweynuhu maleynayaan mashaariic ma ahan dowladda federaalku waxay ku jirtaa geedi cocod siyaasadeed.” ayuu yiri Madaxweyne Dani.

“Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa, dhawr jeer ayaa wax la ii sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda, Puntland kama soo horjeedo dowladnimada oo waaba halkii laga aas aasay, marka dowladda wax kale kama doonaynee mudnaanteena sifada sharciga ah hanagu siido.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Puntland Dani.