Waa maxaay Cudurada Qorax joogta ku dhaco oo aan Qurba joog ku dhicin?=Nasashada Jimcaha.Q-172aad=

Wax Akhyaar loogu Maahmaahana malehe.

1- Nin ayaa u yimid Xaaskiisa oo Nin la jiifo, Midi ayuu qoorta ka saaray Ninkii, Xaaskii ayaa qeylisay oo ku tiri: war ha dilin Ninkaan la’aantii Gurigaani sii jiri maayo. Waxa uu ku yiri: Maxaa dhacay?. waxa ey ku tiri: Markii aan ku lahaa Hanti badan oo dhaxal ah ayaan ka soo helay Waalidkeey, been ayey aheeyd, Ninkani waa maal qabeen, Sariirtan, Baabuurka aad wadato, kirada guriga, Biilka, dharka aad xiran tahay, kuli isagaan ka qaaday. Ninkii ayaa yiri: ileeyn meesha Qooys iima joogo, ee kiraan ku hoos noolahay. ( F.S: 1aad)

( Askari ayaa arkay shirkado tuugo ah oo Macdan ka qodanayo Tuuladiisii, waxa uu damcay in uu dilo ama uu Saxaafada u yeero, waxaa lagu yiri: war ha dilin, ilmaheyga Biilka aan dibadda ugu diro, Mushaarkaaga, iyo………….shirkadaan ayaa wada bixiso, waxa uu yiri: ileeyn meesha Qaran kuma heyno ee kala Qaraabashaa ka jirto)

2- Nin iyo Xaas uu furay ayaa isku dacweeyay qofkii qaadan lahaa Wiil ay dhaleen.Waxa ey wada tageen Maxkamad. Xaaskii la furay ayaa tiri: Qaaliyow Wiilkaan Anigaa Sagaal bilood caloosha ku soo siday, una soo wallacay, u soo fooshay, Naasna nuujiyay. Aniga ayaa ku xaq leh, Xanaanadiisa.

Ninkii ayaa yiri: Qaaliyow haddii aad “Mastercard” gelisid ATM, lacagta kuu soo baxdo ma ATM kaa iska leh mise adiga Naftaada Qaaliga ah ayaa iska leh? Qaadigii wuxu yiri: Anigaa leh Lacagtaa. Ninkii ayaa yiri: Qaaliyoow Maxa kale oo aad sheegi Rabtaa, Xukunkii waadba ridaye?.

( Nin siyaasi ah ayaa yiri: Shacaboow, war Baarlamaankaan Anigaa Maal gashaday, soo Xushay, Beelahoodii ka soo basarsaday, Codkooda soow Annigu xaq uma lihi? Siyaasi kale ayaa yiri: waxaad iska soo Hilmaantay Mastercard-gii Dalka Qadar oo ah Furaha Xildhibaanada). ( F.S: 2)

3- Oday Siidoow oo ahaa oday aad u buuran oo Ciyaarta Hiddaha & dhaqanka ee Luumbiga iyo isfeelka degmada waabari Madax ka ahaa , ayaa Xajka aaday markii uu Xajka ka soo noqday ayaa Xaafadda Buulo Eelaay ee degmada Waabari xaflad soo dhaweyn ah loogu Qabtay, Jiimbaar ayaa loo dhigay, Ciyaartooydii Luumbiga oo dhan ayaa timid, Goobtii ayaa la heeraaray, Gurbaankii ayaa la garaacay, Haweenkii ayaa Bilaabay in ey Niikiyaan.

Oday siidoow ayaa ooyay isaga oo leh: Xajkaa soo gudo, Jiimbaartaa ku Fadhiiso, Luumbileey ha kuu niikiso, Gurbaankaa ha laguu dhawo, Bilcaan Xaawaleey Dhididka hakaa tirto, Ar, Annigu nasiib badaniyaa, Alla ii gargaayaa, nicmatu shukri ahaa.( F.S: 3aad)

( Horta, Madaxdu haday Xajka ka soo Noqdaan, yaa Gurbaanka u garaaco)

4- Gabar Macalimad ah oo Seyniska dhigto ayaa loo bedelay Tuulo Afgoi u dhaw. Ardaydii ayey ku tiri: Cashar Seynis ah ayaan qaadaneeynaa, Calooshiina waxaa ku jiri Gooryaan, laakin Aniga iyo reer Magaalka Calooshhena Gooryaan kuma jiro. Sababta oo ah, Adinku waxaad cabtiin Biyaha wasakhda ah ee wabiga. Tusaale ayey u soo qaadatay 4 Qarsho , mid waxa ey ku shubtay Aalkolo, midna Biyaha Ragga, midna Qaaca Sigaarka, Midna Biyaha wabiga, waxa eyna mid kasta ku riday dhowr Gooryaan. Subaxii dambe ayey soo qaaday 4tii Qarsho, Gooryaanadii waxaa ka nool kii lagu dhax riday Qarshadii Biyaha wabiga oo kaliya.

Macalimadii ayaa ku tiri: Maxaad ka fahamteen Cilmiga Seyniska. Arday ayaa yiri: waxaan ka fahamnay, Gooryaanka waxa kaa dilay, Adiga Calooshaada, waxaa ku jiri, Qaac sigaar, Aalkolo, iyo biyo rageed, Annagana Biyo wabi. Macallimadii xanaaq, Ardaygii 7 cisho ayaa laga eryay Dugsidii. yaa gardaran? ( F.S: 4aad)

(Waa maxaay Cudurada Qorax joogta ku dhaco oo aan Qurba joog ku dhicin?)

5-Haweeneey Jirkeeda ka ganacsato ayaa dhakhtar u tagtay kuna tiri: Datoore, Gudaha ayaan aad uga dabcay, Macaamiishiina waa iga kala tageen. waxa uu ku yiri: Miiskaan ku seexo ee lugahaaga kala qaad si aan u fiiriyo. Weyna sameysay. Dhakhtarkii ayaa qeyliyay. waxa eyna maqashay: yaahuu, yaahuu….yaaahuu.

Waxa ey ku tiri: Maxaad ugu soo celcelsay Yaahuu. Waxa uu ku yiri: Halmar ayaan yaahuu iri ee waa “Echo” codkii ayaa weli sii socdo oo Gidaarada ku sii dhacayo. ( F.S: 5aad)

( Mudane Gudoomiye: Annagu hal mar ayaan dhahnay Xaafadeena Dhagxaha halaga qaado, ee dhagxihii ayaa Magaalada ku sii fidayoo oo Xaafada cusub ayaa wadooyinka laga xiray oo yaahuu ku qeylinayo).

6- Cabdi fudeyd ayaa Xaaskiisi u waday Garoon lagu ciyaaro, ciyaarta Feerka.( Final Boxing game)

Ciyaartii markii ey bilaabatay ayaa wareegii 1aad, Ciyaaroyigii mid ka mid ah dhula ku dhacay, lagana Guuleystay, Cabdi ayaa ku qeyliyay, war 1 daqiiqo miyaa ciyaartii lagu kala raayay, markii aan bilaabay in aan xiiseeyo Ciyaarta ayeeyba dhamaatay.

Xaaskii ayaa ku tiri: Ciyaar hal daqiiqo kadib markaan xiiseeyo dhamaato, Jimca kasta ayaa arkaa, ee dhibkeeda ila araag oo sidaa isku dhaan.( F.S: 6aad)

( Masul ayaa yiri: 4 Saano Xil ah oo markaan macaansanadana dhamaanayo waa side? shacbkii ayaa yiri: wax qabad la’ aanta ayaaba ka sii daran)

Qore: Yahya Amir