Uganda oo Ciidamo Boolis ah u soo diraysa Soomaaliya

Muqdisho:-Dawladda Uganda ayaa wada qorshe ay Ciidamo Boolis ah ugu soo dirayso Soomaaliya .

Ciidamadan Booliska ah ayaa waxa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya .

Madaxa Ciidamada Booliska Uganda ayaa waxa ay sheegtay inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay iyo sidii loo hubin lahaa Ciidamada Booliska ah ee loo soo dirayo Soomaaliya .

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay wadaan sidii loogu soo iibin lahaa Ciidamadaasi waxyaabaha lagama maarmaanka u ah sugidda amniga .

Dawladda Uganda ayaan shaacin tirada Ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayso, balse waxa ay sheegtay in ay leedahay Ciidamada fara badan, kuwaasi oo ku sugan gudaha dalkeeda, isla markaasina wax ka qaban kara amniga Soomaaliya.