Dawladda Jabuuti oo Deeq lacageed ku wareejisay Guddiga Gurmadka Fatahaada Wabiyada.

Muqdisho:-Dawladda Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle

Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600.000 doollar .

Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma ahan markii ugu horaysay oo ay Dowladda Jabuuti Caawimaad u soo dirto Soomaaliya, iyadoo aan ognahay inay Soomaaliya ka joogaan Ciidamo ku howlgalaya AMISOM oo ka qayb qaadanaya Xaslinta Soomaaliya.