Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo war ka soo saaray soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaasi yeelanaayo.

Odayaasha saxiixayaasha Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaa ay shir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Odayaasha saxiixayaasha ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Xildhibaanada 89 mudane tiradooda intaasi laga badiyo, iyagoona wacad Ku maray in cidii arintaasi Ku dhaqaaqda tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in odayaasha saxiixayaasha ay doonayaan in dhawaan ay dhisaan xubnaha Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay wasaarada arimaha gudaha soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna, taasi oo ka dhalatay xubnaha Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Culeya weyn ayaa ka taagan soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.