Nin Maroodi Eebuu kilkilay Halig Naftiisiiye. (Maxaad ka xasuusataa waayihii, Fudeedka siyaasadeedna Arrimaha dibadda ee Somaliya.)

Haddii aad xasuusato March 1975, maalin cad ayaa Safiirkii Farnsiiska u joogay Somalia Amb. Jean Gueury waxaa laga Afduuntay Xarunta Dowlada hoose ee xamar horteed isaga oo galayay Kaniisadda catholic –ga ee Mogadishu, xaaskiisii oo la socotayna waa sii daayeen.

Waxaa Afduubtay 4 nin oo ka tirsanaa Gobanima doonkii Jabuti, waxaa la geeyay Guri ku yaal Agagaarka Arkaga K4 –Mogadishu.

Dowladdii Farnsiiska ayaa ku tiri: Madaxdii kacaanka adinkaa wax ka ogaa ee soo daaya , weyna inkireen. ( waqtigaa,waad qiyaasi kartaa in Afduub iska daaye wax aan Maxamad Siyaad ogeyn eyna ka dhici Karin wadanka) arrintaa waxaa saddaxda dhinac ee Somalida, Jabhadda iyo Farnsiiska dhaxdhaxaadinayay Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Somalia Amb: Giorgio Jacomeili.

Afartii Nin waxa ey dalbadeen in Rag uga xirnaa Baris oo Xabsi daa’in Faransiisku ku xakumay la sii daayo sida : Omar Osman Rabeh and Omar Elni Kaireh , lana geeyo Yeman iyana la siiyo Dayaarad ey ku qaadaan Ninkan u afduuban,halkaana la isku dhaafsado. Arrintaa farnsiisku waa fuliyay.

Raggii la soo daayay ee Jabhadii Xureynta Jabuti ayaa Xamar yimid, muddo kadib waxa ey dareemeen in eyna xuriyadu ka jirin Xamar, Maxamad Siyaad ayey wax ka sheegeen, waa la xiray, kadibna qaarkood ayaaba Magangalyo u doontay Faransiiskii ey ka cararayeen.

Ragga waxaa ka mid ahaa Omar Osman Rabeh oo ahaa wadani mar kasta u dagaalami jiray Somali weyn, intii uu Xabsiga ku jirayna qaatay shahaadada PhD, waxa uu ahaa qoraa , nin Diinta jecel, marna aanan ka noqon fekirkiisii ahaa in 5ta Somali la isku keeno, waxa uu u qaxay Canada oo uu dadka diinta bari jiray. Markii Ciidamadii Ethiopia Xamar soo galeen 2006 ayuu Canada ka bilaabay olole uu uga soo hor jeedo Faragalinta Itobiya, waxaa la aamin san yahay in Ethiopia ey sabab u aheyd in uu mar kale Farnsa ka soo Qaxo oo uu soo dego Masar ilaa uu halkaa ku geeriyooday.

Haddii aad Xasuusato mar kale, Sannad kadib ayaa “ Student Bus” oo ey saarnaayeen Arday Farnsiis aheyd laga soo Afduubay Jabuuti, oo lala soo galay Gudaha Somaliya, Farnsiiskii ayaa Xeebaheena soo dhigay Maraakiib dagaal, Buskii ayuu weeraray kuwii wax soo Afduubay oo ciidan Somali ahi ey ku jireen ayuu laayay, ciyaalkiina waa sii deystay, hal wiil oo dhaawac ahaa oo ka soo baxsadayna waan celinaya. Faransiiskii ayaan ku eedeynay in uu ku soo xad gudbay Dalka Somaliya oo uu Fal ciidan ka fuliyay.

Ma xasuusataa Mar kale, Annaga oo aan Hubsan Xiriirkeena Dowladaha waaweyn ayaa galnay Dagaalkii 1977, ka baxaay ayuu ku dhamaaday iyo Ruush ha baxo, kuwii aan ku bedelnay Ruushkiina waxa ey la sii safteen Amxaaradii. Cuba, Yeman iyo Libyana si toos ah ayeey nooga soo horjeesteen oo dagaalka u galeen.

Ma xasuusataa Mar kale ayaan 2019 wakiilkii UN ee somaliya ayaan erinay. Isla sannadkaa waxaan Diidnay in ey dalka soo galaan Khubaradii ka socotay Golaha Amaanka ,5ta Dowladood oo leh Codka Veto, ma isku miisaantay, celintooda iyo ogolashadooda waxa kaaga dhumi karo.

Horena waad ogeyd in 1963 in aan Ingriiska Safaaradoodii ka erinay Somalia, mar kalena Jarmalka iyo Mareykanka ayaan xuslinay. Ma xasuusataa. Mar kale Dekeda Daarasalaam ayaan duulaan ku qaadany.

Ma kula tahay in aan nalaga aar gudsan, khaladdaadkaa siyaasadeed ee aan galnay oo qaarkood weli naloo ciqaabayo. kuma lihi Dad ha iska celin haba kaa xoog badnaadee, laakin shimbiro markii eey Baalalkeeda Hubsato ayey Duushaa.
Waan in aan ka fekernaa cawaaqibka talaabooyinka siyaasadeed ee aan qaadeyno, marmar dhaxdhaxaad ka noqo, laakin yuuna noqon sida dhaxdhaxaadnimadii khaliijka, tii Geneva, ama sida tii Jaamacada Carabta ee aan hal dowlo aan ku cod noqonay intii kalena aan ka tagnay. Wax loo jeedo ha inkrin,ee Cadeeyso Dad Duhur Xamar lagu Afduubayna ,ma ogeeyn ma soconeeyso.

FG: iga raali ahaaw, Haddii Xasuusteydu kula xaraaraato, Siyaasi ma ihi, mana rabo in aan noqdo, ee Galabta ayaa xoogaa Hurdadii ii gooysay, markaa ayaa Maskaxdeeydo Falaad xasuuseed bilaawday. wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar.

Qore: Yahya Ami