Khatarta Dheeliga Dhaqaalaha Mogadishu!!!. =Faallo=

1-Ma is weydiisay Labadii Billood oo u dambeeysay maxaa kordhiyay in Tira badan oo Dad ihi ku yiraahdiin: EVC Lacag iigu soo tuur, eyna korortay Lacagta aad EVC ku tuurtay?.

2-Haddii laguu soo tuuri Jiray Ma is weeydiisay, Maxaa yareeyay lacagtii EVC ahaan laguugu soo tuuri jiray?.

3-Haddii aad Lacag soo Xawili jirtay ma is weeydiisay, maxaa badiyay Codsiga ah noo soo Xawil ?.

Dabaqadaha Bulsho “Social classes” dhinaca Dhaqaalaha waxaa loo qeybiyaa Seddax: Dabaqada Sare, Dhexe iyo Hoose. Dabaqadaha Sare iyo Hoose mar kasta waa in ey ka yaraadaan tan Dhexe. ( F.S: 1aad) Dabaqada dhexe oo iyadu sabab u ah , horuumarka, isbedelada Siyaasadeed iyo kobaca dhaqaale ee Dalka. Waxaana lagu dadaalaa in dabaqada dhexe ey ahaato 60%-80% tirade Bulshada. Somaliya heerar kala duwan ayeey soo martay,laakin hadda tiradu qiyaas ahaan waa : 1% Dabaqada Sare, 10% Dhexe, 89% Hoose. Dabaqadii Dhexe ayaana ku biirtay tii hoose si tartiib tartiib ah iyadoo markii dambe salka dhigtay in ey sii baaba’do tii dhexe ( F.S: 2,3 & 4aad)

Somalia Dabaqada Sare oo aad u yareed waxaa ka mid ahaa dadka dakhligoodu uu ahaa $ 50 iyo ka badan maalintii. Tan dhexe $ 50-10 iyo Dabqada hoose Hoose 10-1%. Hadda wadarta Labada dabaqadoodo ee Dhexe iyo hoose ayaa Dakhligoodu u dhexeeyaa celcelis ahaa $ 2-7. Celcelis ahaan Mushaarka uu bishii qaato waxa uu ku filan yahay 4-8 Cisho.

Taasi waxa ey keentay in uu bato Shaxaadka oo ah Tuugsiga dadban ee Reer Magaalka, iyo Tuugsi toos ah, kadib markii Reer Magaalkii iyo Shaqaalihii Dowlada iyo kuwii Hayadaha Madaxa Banaani ey ku biireen Dabaqada Hoose. Kuna hal qabsadaan, xalay Dab lama shidan, Caruurtii isguul ma aadin, kiradii ayaa la igula dhegan yahay, qof ayaa Isbitaal iiga jiro, kuwaa oo Run iyo Risaq raadisba noqon karo.

Badanaa haddii Dabaqada Dhexe ey ku biirto tan Hoose qiimaha Rootiguna uu kor u kaco, waxaa dhaca Kacaano ama Kacdoon dadweyne oo isbedel doon ah.

Somalia shaqaale Rasmiya lama qaadan Seddaxdii Sanno ee u dambeysay, badanaa waa shaqaale waqti dhiman, oo Miisaaniyadda aan ku jirin, magacaabid xil, ku sime, la taliye, Guddi, dib ayaa laga sharciyeeynayaa, laakin Badanaa toos ugama diiwaan gashano wasaarada shaqaalaha.

Guud ahaan shacbaka 1% ayaa aad u sii taajiro ,99%na dakhiligoodu hoos u sii dhacayaa maalin kasta. Wax kala iibsigii ayaa yaraady, ganacsi badan ayaa xirmay, taa oo yareeysay dakhligii Dowlada soo gali lahaa, Haddii aad Lacag heshana, Awoodii Lacagtu ey wax kuu gooyn laheed “ purchasing power” kii ayaa hoos u dhacay, cashuuraha oo badan oo dhinacyo badan ey qaadaan, culeeyska dhaqaalena u sii gudbinayo shacbka. Guud ahaanna Wareegii Lacagha ee maalinlaha ahaa “ Monetory Circulation” oo dhaqaale ahaan muhim ahaa ayaa Qataarmay, Ascaartii oo Cirka isku shareertay marka loo firiyo awooda Quutaha “ Consumer capacity” Wax soo saarkii gudaha oo sii baabayo, dhiig karka oo ku batay dadka ,Daawadiisiina ey qaali tahay, furiinka oo sii batay, Caduurta oo aan wax barasho laga dhiibi karni. lagumana dhaqaaqin talaabooyin deg deg ah oo wax lagu saxayo “Regulatory system”.

qeyb ka mid ah Xalka:

Ka hor isbiirsiga dhibaatooyinka dhaqaale ee keeni karo Kacdoon aan fiicneeyn oo aan awood ciidan lagu joojin Karin ,laakin loo heli karo mid dhaqaale waxaa haboon in Dowladu ey qaato Talaabooyin Xal noqon karo:

1-Dowladaha qaar waxa ey raadsadaan Mucaawino ama Keyd u yiil, ayeey ku soo iibiyaan waxa dabaqada hoose ey u baahan tahay, kadibna suuqa ayaa lagu fatahiyaa Cunto raqiis ah ama Mucaawino ah.

2- Dowladuhu waxa ey isticmaalaan isku mar Labo Siyaasadood oo iska soo hor jeedo, in Canshuurta ey yareeyso, iyo in ey Mushaarka la badiyo, iyada oo aan culeeyka la saareeyn isku dheeli tirka Siyasadda Maaliyadeed iyo tan Lacageed “Fiscal policy iyo Monetary policy” dib ayaana laga sameeyaa “Budget review” .

3- In laga Fogaado wax kasta oo u muuqdo Muquunin awoodeed, waxaa la yiraa “ Janaraal waxa uu ka guuleeysan karaa Janaraal kale, laakin Shacab kama guuleeysan karo” fiiri isbedelada Taariikhda aduunka ka dhacay Badanaa waxaa u sabab ah Kacdoonka ama rabitaanka Dabaqada hoose.

4- Dib u soo nooleynata awooda dhaqaale ee dabaqada dhexe.

(( EVC-gaaga walaalkaa ka taageer, adigana Xagga ALLAAH ayaa lagaa taageerayaa))

FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir