James Swan:”QM waxay ka walaacsan tahay khatar bini’aadinimo oo ka dhalan karta fatahaada…”

James Swan oo ah ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay aad uga walaacsan tahay khatar bini-aadinimo oo ka dhalan karta fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo gobalada qaar durba ka socda fatahaad.

Wakiilka ayaa sheegay in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degaano hoos yimaado magaalada Beladweyne ee gobalka Hiiraan islamarkaana ay ka barakaceen kumanaan shacab ah oo u badan danyar.

James Swan ayaa sheegay inay jirto cabsi laga qabo in Wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana uu sameeyo dadka danyarta ah iyo kuwa kale ee ku nool jiinka Wabiga.

“Waxaan aad uga xumahay tirada qoysas badan ee daadadku ay ku waxyeeleeyeen waxaanan aad uga walaacsanahay xaalada dadka ku waayey guryahooda iyo noloshoodii oo khatar ku jirta” ayuu yiri Ergeyga gaarka ee qaramada midoobay.

James Sawan ayaa waxaa uu ugu baaqay beesha Caalamka, dowladda dhexe iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gar gaar gaarsiiyaan dadka shacabka ah ee saameynta ku yeeshay Fatahaada webiyada shabelle iyo Jubba.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada si loo taageero bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.” Ayuu hadalkiisa ku sii daray James Swan.

Dhanka kale Wabiga Shabeelle ee mara gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan ayaa durba bilaabay inuu ku fataho degaano ka tirsan Hirshabeelle waxaana Beladweyne todobaadkii la soo dhaafay ka barakacay in kabadan 60 kun oo qoys kuwaas oo ku noolaa hareeraha wabiga, halka wabiga Jubba la sheegay in laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo magaalada Baardheere ee gobalka Gedo taas oo walaac ku abuurtay dadka degaanka.