Howlgallo Ciidanka xoogga Dalka ka sameeyeen degaanno ka tirsan Jubbada hoose.

Muqdisho:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay howlgal Miino baaris ah ka sameeyeen degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gallo ballaaran ka fuliyay degaanka Baar Sanguuni iyo nawaaxigiisa, halkaas oo ay ku dileen Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.