Diyaarad Gar gaar sida oo maanta ka dagi lahayd Beledweyne oo baaqtay.

Muqdisho:-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa lagu waday inay ka degto diyaarad sida gargaar,iyadoo maanta baaqatay Diyaarad sida gar gaar sida uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jiisow.

Sababta ay diyaarada u baaqatay ayaa waxaa lagu sheegay in tahay, kadib markii la waayay meel ay ku degto diyaarado, iyadoo la sheegayo in guddiga ay wadaan qorshaha ugu fudud ee gurmadka loo gaarsiin karo dadka ku dhibaateysan duleedka Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Webiga Shabelle ayaa fatahaad hor leh wuxuu ka sameeyay guud ahaan xaafadaha magaalada Beledweyne, iyadoo arintaasi ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo xilsaaray u gurmashada dadka fatahaaduhu ay saameeyeen.

Dhanka kale Dowlada Federalka ayaa sheegtay inay howlo cunto qeybin ah ka bilaabayso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.