Boqolaal Qoys oo ka cararay Al-Shabaab oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Baydhabo:-Boqolaal qoys oo ka soo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose ayaa waxay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qoysaskan ayaa waxay ka ka tageen Tuulo lagu magacaabo adeerow iyo deegaano kale oo u dhow degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dib u dejin.

Dhanka kale Qoyaska soo barakacay ayaa sheegay in sababaha ay u soo carareen ay tahay kadib markii Al-Shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan, taasina ay walaac xoogan ka muujiyeen.