Xasuusteydii Beled Weyne… Qormadii Amiin Khasaaro

AKHRISO 23 DHACDO OO GOOB JOOG U AHAA

1- Imaanshii Iidi Amiin oo ahaa Madaxweynihii hore ee Uganda

2- Waxaa goob joog u ahaa burburkii Buundadii Liiqliiqato ee Alwaaxda ka sameysneyd

3- Dhismaha Buundada markii laga dhigey Birta

4- Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee u dhow Buunda 1-aad oo lagu dhisey iskaa wax u qabso walibana waxaa ka mid ahaa ardeydii Dhagaxaanta soo gureysey

5- Daawashadii markii meel fagaare ah lagu toogatey gabar ninkeeda dishey maalinkaas dugsiga Quraanka ayaa u gooyey si aan u daawado habka wax loo tooganayo, sidaa darteed Sarbida macalinka dushayda ayey ahayd maalinkaa

6- Soo bixitaankii Heestii Beled Weyne iyo Beer Lula

7- Muddo Sadex Bilood oo aan aabahay Raashinka ugu geyn jirey Xerada lam galaay ka dib markii ciidamada la amrey in xerooyinka soo dhaafin iyadoo laga Cabsanayey Itoobiya

8- Dhagax dhiggii Madaxweyne Iidi Amiin ee Iskuulka Xaawo Taako

10- Dhismaha Raadaarka Ciidamada Xaafada Bardaha

11- Dhimashadii dhaqaatiirtii Gobolka ee uu hogaaminayey Dr Kooshin ka dib markii iyagoo u Gurmanaya dad Gaari la rogomadey waxaan Dhaqtarkaas loogu Magacdarey Xaafadda Kooshin iyadoo Taalo looga dhisey Isbitaalka hortiisa dhamaan Dhaqaatiirtaas

12- Waxaa daawan jirey Ciidamadii Tababarka ku qaadan Jirey Xerada Daraawiishta oo Sanadkii soo saari jirtey 600 oo askari oo Booliis ah

13- Waa halkii aan ku bartey dabaasha gaar ahaan xaafada Hilo Bacaad ee Irid Amin

14- Waxaa Beled weyne ku bartey sida loo dabo Maleyga, wuxuu ahaa maleygii ugu horeeyey ee Wabiga kala soo baxo Nooca BEESHA GAADO

15- Waxaa goob joog u ahaa Baskii ugu horeeyey ee la saarey Beled weyne iyo Janta Kun dishe maalinkii ugu horeysey ee aan raacay hilib Foorneysan waxaa ka soo cuney Maqaayada Caamir ee Janta Kundishe

17- Beled weyne iyadoo isku raran ah waxaa jidad u baxshey Gudoomiyaha Gobolka oo markaa ahaa Allaha Ha u Naxariistee Dr Maxamed Cali Daahir waxaa Beled lagu soo koobey Afar xaafadood oo kala ah Kooshin, Howlwadaag, 21 Oktoober ( Buundaweyn) iyo Xaawo Taako

18- Waxaa goob Joog u u ahaa Dhismaha Aargada weyne ee laga soo galo magaalada oo u dhow Garoonka Dabaaldegyada, waxaa laga guurey Aargadii hore ee Irid Amin maadaama Magaalada Balaaratey

19- Waxaa nasiib u yeeshey in aan ka mid noqdo anigoo Dugsi hoose dhiganaya Ardeydii ugu Horeysey ee gashey Ceel Jaalle oo ku dhow Jenta Kumdishe

20- Waa Magaaladii aan ku arkey markii ugu horeysey Yaxaas iyo Jeer welibana Jeer baa i sigtey anigoo Maley dabanaya meel ku dhow Liiqliiqato waxaa naga badbaadiyey Ciidamadii ku jirey Xerada lama Galaay oo ku ridey rasaas.

21- Waxaa goob joog u ahaa ardey aan isku Fasal ahayn oo Feer ku diley ardey kale markii ay dagaaleen hase yeeshee waa la cafiyey ardeygaas

22- Anigoo ardey ah ayaa Beled Weyne ku soo dhaweyney Wafdi Kuubaan ah ereyadii aan ku soo Dhaweyney oo af Kuubaan ahaa waxaa ka mid ahaa ” KUUBA SII KIDAANKEE NO”

23- Waxaa goob joog u ahaa markii Ciidamada qabteen nin Itoobiyaan ah oo Basaas ahaa kaasoo Magaalada ka Tuugsan Jirey isagoo isduleynaya jilayana Dhagoolnimo, waxayna Bulshada u bixiyeen AAMUSANE wuxuuna howshaas Basaanimo uu ku jirey 10 Sanno isagoo Sarkaal ahaa

DHACDOOTINKAAS WAXAY DHACEEN ANIGOO DHIGANAYA DUGSIGA QUR’AANKA ALAHA HA U NAXARIISTEE MACALIN MAXAMUUD IYO DUGSI HOOSE WAA TAARIIKH MA HADHO AH WAXAA LA YAAB LEH DHOWR IYO TOBAN SANO OO AAN DEGENEYN BELED WEYNE MA ARAG WABIGA OO FATAHAYA IYADOO AAN DEGENEYN WABIGA AGTIISA MARKA WAA IN BULSHADA BELED WEYNE IS WEYDIIYAAN WAXAA SANAD KASTA WABIGA U FATAHO

DOORASHO MA KA SOO GELI KARAA

LA SOCO XASUUSTEYDII DHUUSA MAREEB, MUQDISHO IYO DIINSOOR