Sheekh Shariif oo loo doortay inuu gudoomiye u Noqdo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka oo isbahaysi sameystay.

Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa Maanta oo arbacaa lagu qabtay Munaasabad kooban oo looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen Xisbiyo dhowr ah oo dalka kajira waxaana ka qayb ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashaan oo ay ku midoobey ilaa Lix Xisbi siyaasadeed Ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed u doortay in uu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif hoggaamiyaha Xisbiga Himilo qaran oo warbaahinta la hadlay markii kulanku soo dhamaaday ayaa sheegay in dowladda aysan weli caddeyn jidkii doorasho lagu geli lahaa, isla markaana aanay aqbalayn wax mugdi ku jiro in la sameeyo.

Shariif ayaa sheegay in aanay aqbali karin in la uruuriyo Koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo, isla markaana aanay raali ka noqon karin wax aan heshiis lagu aheyn in la sameeyo sida uu yiri.

“Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno,dowladdu inadhaheeda ha furto,Shalay MD-Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay,dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Mala socotiin ciidamo Ajnabi ah in Axmad Madoobe la rabay in lagu soo qabto xiligii doorashada dhaceysay dagaal qabiil oo waligiis aan dhamaan oo Boqol jirsada ayaa dhici lahaa, Farmaajo iyo Axmad Madoobe waa ii siman yihiin qabiil ahaan aniga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga UDP ayaa Dowlada ku dhaliilay Misaaniya ay ku bixisay dhismaha Taalooyinka oo uu sheegay in ay jireen meelo kale oo uga haboonaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhaliilay Xukumada Soomaaliya in ay ka gaabisay u gurmashada Shacabka Badweyne, oo uu sheegay in ay wajahayaan dhibaato ka dhalatay Fatahaada wabiga Shabeelle.

“Dowladda waa awooddaa waxa ay karto in ay dadka ugu adeegto, fatahaada beledweyne ka taagan dowladdu waa ka gaabisay, dowladda mallaayiin dolar aan bajad ku jirin waa u soo heshay inay taallooyin ku dhisto, laakiin dadka reer beledweyne biyaha dhex jiifo qaarkood ku dhamaaday oo guryaha dushooda saaran yihiin dowladda lacag uma heli karo inay dhahdo oo lacag qaaraan hala keeno waxaa la rabaa in taas la is qabadsiiyo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay Xariir wanaagsan ula lahaa Xisbiyaan ayaa ka hor-yimid in Madasha ay ku midoobeen qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda in ay yeelato Guddoomiye.

Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu diiday in Madashu yeelato Guddoomiye, taas bedelkeed uu soo jeediyay in ay Xiriiriye kaliya yeelato,balse taas ay ka dhaga furaysteen Xisbiyada Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Ilays, NPP, Kulan iyo Xisbiga Nabadda oo maanta doortay Gudoomiye iyo Labo ku xigeen.

Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Wadajir Sayid Cali Macalin Cabdulle ayaa soo dhoweeyay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in ay Guddoomiye u doorteen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

“Waa biseyl siyaasadeed oo loo baahan yahay in la dhiirageliyo waana ugu hambalyeynaynaa, in la isu tago oo intii isku aragti ah waxay xoojineysaa doorashooyinka soo socda ee 2021” ayuu yiri Sayid Cali, oo qiray in aan Xisbigiisa ka mid aheyn Madashaan Maanta looga dhawaaqay Magaaladda Muqdisho.

Dhank kale isbaheysiga ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee maanta ku dhawaaqay inay Guddoomiye u doorteen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif waxaa loo arkaa in markii u horeysay ay midoobeen cududa qaar ka mid ah Xisbiyada iyo xubnaha Mucaaradka ee Baarlamaanka ku jira in ay hal hoggaan iyo hal Madal isugu tageen, ka hor xilliga doorashada in ay saamayn ku yeela karta in doorashadu Xiligeed ku dhacdo.