Lama aqbali karo in Hirshabeelle sidaan lagu daawado

Nasiib darro ka weyn ma muuqato in dadkeenii ay horteenna ku dhammaanaayaan, cid u maqanna aaney jirin, Baaq la jeediyo iyo Guddi la magacaabo xalku ma joogyo, Xaalku ”Alamtara soo dhaaf”.

Waxeey joogtaa dadkii geedaha koray in Geedihii la jabeen oo ay Biyihii ku daateen, kuwii maxaligga ahaa ee is xilsaaray oo ay awooddoodu aheyd in ay Doonyo yaryar ku gurmadaanna iyagii ku dhammaadeen.
Caqligu, ma qaadan karo dal leh Dowlad oo ku jiro xaaladdaan, Dadkiisuna biyahaas ku dhamaanaayaan, aaneey muuqan xitaa in madaxdu tagto goobtaa musiibada ka dhacday. War aaway Saaxiibadii aan sheegsheegi jirnay, aaween Dayuuradahoodii Helicoptarrada ahaa. War aaween Madaxdeenii, Ciidamadeenii, Amison iyo Deeqbixiyayaashii la sheegi jiray “Miyaanu idinku jirin Dareen damqada”. Ma marka xeero iyo fandhaal kala dhacaan oo inta dhimmana ay dhamaadaan ayay gurman doonaan.

Haddii damqasho jirto oo aaney jirin ka qoslid gows dambeedka.
Waxaan ka tacsiyeeynaa in Rabbi u naxariisto intii ku dhimatay Musiibadaas Fatahaadda ah, inta kalena uu Rabbi badbaadsho.

Waxaa la yiraa ka hortagu waxuu ka fiican yahay daweynta, waxaan ula jeedaa ”aaway kaydkii loo sii dhigtay haddii ay timaad tanoo kale”.
Rabbiyoow adaa awood leh ee Ummaddaan badbaadi.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com