Beledweyne: Bukaano ka bixi waayay isbitaaalka Fatahaadaha dartood

Inkastoo 24 kii saac ee la soo dhaafay ay is dhimeen xawliga ay ku socdeen biyihii ku soo rogmaday magaalada Beledweyne ayaa haddana wali waxaa taagan dhibaatadii ka dhalatay arintaasi iyadoo kumannaan kun oo qof ay guryahooda ka barakaceen iyagoo isugu tagay dhulka sare.

Xaaladda caafimaadka iyo fayodhawrka magaalada ayaa laga dayrinyaa kadib markii fatahaaddii iyo daadadkii soo rogmaday ay qaadeen bulaacadihii iyo musqulihii.

Dr Axmed Maxamad Khaliif oo ah isuduwaha caafimaadka ee gobolka Hiiraan ahna agaasimaha Isbitaaalka guud ayaa BBC u sheegay in isbitaalkii weynaa ee magaalada ay biyaha la wareegeen isla markaasna ay cuduro kala dhalan karaan halkaas.

“Meelaha ay dadku u barakcaceen..waxaa ka dhalan kara cuduro badan maadama dadku aysan heysan musqullo, biyo nadiif aysan heysan, raashiin aysan dadku heysan, meel hoy ah aysan heysan..” ayuu yiri Dr Axmed.

Waxaa uu sheegay in Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ay biyaha la wareegeen taasina ay saameyn ku yeelatay adeegyadii caafimaad ee loo fidin jiray bukaanada.

Dr Axmed ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in bukaanada qaar ee jiifay isbitaalka ka hor fataahadaha ay ku adkaatay inay isaga baxaan halkaas maadama ay biyaha la wareegeen isbitaalka.

“Waxaana hadda isbitaalka jiifa ilaa afar qof oo bukaan ahaa oo qaliin lagu sameeyay xilliggii biyaha ka hor, biyihii markii ay soo galeenna meel ay ka baxaan waayay..qeybta qaliinka oo taag saaran ayay ku nool yihiin..runtii xaalad adag ayaa isbitaalka ka jirta” ayuu yiri Dr Axmed Maxamad Khaliif.

Waxaa magaalada Beledweyne saameeyay fataahado dhibaato geystay, waxaa ku dhintay ku dhawaad toban qof markii ay la rogmatay dooni ay saarnaayeen.