Wabiga Shabeelle oo Fatahaadiisu gaartay Deegaano hor leh.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa shegaya in tulooyin hoos taga degmadaas ay hada go’doon ku jiraan, isla markaana ay saaranyiheen geedaha dushooda oo ay noloshooda khatar ku jirto.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in dadkaan aan laheyn doomo loogu gurmado iyagana ay la soo xariirayaan guddiga gurmadka magaalada madama ay u bahanyiheen gurmad deg deg ah.

Maxamed Osmaan Makaraan agaasimaha Radio Hiiranweyn kana mid ah guddiga gurmadka ee is xilqaamay ayaa Warbaahinta u shegay in tuulada Bacaad ee duledka magalada Beledweyne ay ka mid tahay tuulooyinka ay go’doomiyeen biyuhu, waxaana tuuladaas muddo seddax maalmood ah ku go’doonsan qoysas kor u dhaafaya 10 qoys.

Ciidamada booliska ayaa la soo sheegayaa in lagu daadiyay xaafadaha magaalada Beledweyne iyo goobaha kale oo ay dadkii magaalada ka baxay deegaamaysteen, waxayna ciidamadu xakamaynayaan dhaqdhaqaaqyada dadka shacabka ah si loo yareeyo khataraha ay geysanayaan biyaha uu fatahayo wabiga Shabeelle.