Kenya oo wado qorshe Al-Shabaab looga hor istaagayo taageero dhaqaale oo ay ku helaan si dadban.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay raadinaysaa taageero caalami ah oo ku aadan in dagaalamayaasha al-Shabaab laga hor istaago taageero dhaqaale oo ay ku helaan si dadban.

Wakiilka sare eedowlada Kenya u fadhiya dalka UK ayaa sheegay in saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamkaba ay qasab ku tahay inay la socdaan sida dowladda faderaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira ay ula dagaalamaan lacagaha ay al-Shabaab helaan.

Arintan waxaa lagu fulin karaa baaritaan si wadajir ah loosoo sameeyo ayuu hadalkiisa sii raaciyay wakiilka Kenya u fadhiyo dalka Britain.

Siyaabaha ay al-Shabaab lacagaha ku helaan ayuu ku sheegay in ay qayb ka tahay canshuur ay ka qaadaan ganacsiyada dalka ka jira.

Dhawr baaritaan oo horay loo sameeyay ayaa lagu sheegay in lacagaha ugu badan ee al-Shabaab ka helaan canshuuro ay ka qaadaan ganacsatada Soomaalida balse ay iyagu ugu yeeraan sakawaat.

Dadaadlka dowladda Kenya ee ah in al-Shabaab laga hor istaago dhaqaalaha ay helaan ayaana ahayn mid hadda bilawday iyadoona horay golaha amaanka ee Qaramada Midoobe u hor geesay qorshe al-Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada caalamiga ah ee Qaaramada Midoobe taas oo aysan ku guulaysan.